skip to Main Content

Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waa suurta gal

By Joakim Gundel

Geedi-socodka dib-u-heshiisiinta wuxuu muhiim u yahay xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Xasiloonida siyaasadeed, dowlad-dhisidda iyo in lagu heshiiyo dastuurka waa in dhamaantood lagu saleeyo natiijada kasoo baxda geedi-socodka dib-u-heshiisiinta ee khuseeya arrimahaas. Haddii taas la waayo, waxaan la hubin in dadaallada xasilinta ay sii waari karaan. [Qodobka] dib-u-heshiisiinta ayaa si joogto ah looga saarayay geedi-socodyadii hore ee nabadaynta, waxaana si muuqata loogu bedelayay habka awood-qeybsiga, iyadoo la iska indha-tirayo danaha iyo cabashooyinka dadka Soomaaliyeed. Colaadaha kasii socda gobollada Soomaaliya iyo weliba caasimadda ayaa caddeyn u ah in si dhab ah loogu baahanyahay dib-u-heshiisiin. Colaadda lagama dhaxlo wax aan ka ahayn colaado lagala kulmo Al-Shabaab iyo in ay soo if-baxdo argagixisanimo. Sidoo kale, waxay ka turjumaysaa cabashooyin iyo colaado muddo dheer soo jiitamayay oo weli u baahan in la xalliyo. Maadaama xallinta qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira uu u baahanyahay in is-bedel lagu sameeyo dastuurka, ayaa arrintaan waxaan wax looga qaban karin talooyin talooyin farsamo (aqoonyahan) oo kaliya. Dastuurka cusub [ee lasoo saari doono] waa inay ka muuqdaan natiijooyinka iyo heshiisyada lagu gaaro geedi-socod dib-u-heshiisiinta oo ballaaran. Haddii aan bulshada si dhab ah looga qaybgelin [oo aanay u taageerin] qorshaha amniga qaranka, waxaa aad u adkaan toonta in la jebiyo Al-Shabaab iyo weliba in la dhaliyo amni buuxa. Talaabta ugu horreysa ee geedi-socodka dib-u-heshiisiinta wuxuu noqonaya in la isku keeno dadka Soomaaliyeed si ay u go’aamiyaan waddada loo mari karo xal u helidda arrimaha ugu muhiimsan, oo sida la filayo ay kamid noqon doonaan is-cafin ama in si run iyo cadaalad ku dheehantahay loo wada hadlo. Intaas wixii ka dambeeya, ajendaha geedi-socodka dib-u-heshiisiinta waxaa lagasoo dheehan karaa hababka cilmi-baarista laga wada qayb qaato (participatory action research) ee hoos lagasoo billaabo lana gaarsiiyo meel sare si loo garto cabashiiyinka iyo mabaadi’dii lagu xallin lahaa. Talo soo-jeedinta guud waa in Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamku ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay ugu dambeyn u guda geli lahayd geedi-socod dib-u-heshiisiin iyo run iskusheegid. Waa in hawshani ay garwadeen ka noqdaan isla dadka Soomaaliyeed, iyadoo la door bidayo iyo loo maro gudii madaxbanaan oo fududeeya hawsha kana kooban odayaal dhaqameed caan ah, dadka magaca ku leh dhaqanka iyo aqoonyahanno iyadoo aan dano siyaasadeed lagu larin geedisocodka. Guddiga fududeynta waxaa lagu lammaanin karaa [lagu kaabi karaa] “Odayaasha” oo ah urur uu curiyay Nelson Mandela, si ay u hagaan uguna xiriiriyaan caalamka. Waxaa lagu talinayaa in geedi-socodka dib-u-heshiisiinta lagasoo billaabo qeybaha hoose [ee buulshada] oo kor loo sooqaado, iyadoo lagasoo billaabayo heer degmo, lana sii wedayo ilaa heer gobol, si loogusoo gabagabeeyo heer qaran.

Back To Top